Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Diiday In Ay Ugurmadaan Dadka Reer Yaman.

0
182

Jimco RBB News:- Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa wali dhiibin dhaqaale gargaar ah oo qaramada midoobay u qoondeysay gargaarka dalka Yemen.

Shacabka dalka Yemen gaar ahaan caruurta dalkaasi ayaa u dhamaanaya gaajo iyo daacuun iyo cuduro Kale.

Isku duwaha gargaarka deg dega ee qaramada midoobay mr Mark Lowcock ayaa sheegay in xaalada dalka Yemen ay mareyso meel Halis Ah.

Wuxuu intaa ku daray in Sacuudiga iyo Imaaraadka aysan wali bixin dhaqaalihii ay balan Qaadeen.

Imaaraadka ayaa bishii Febraayo balan qaaday lacag 500 oo million oo Dollar.

Mr Lowcock ayaa intaa ku daray in 34 boqolkiiba kaliya la helay dhaqaalihii wadamada deeq bixiye yaasha ah ay balan Qaadeen.

Shacabka Yemen ayaa waxay wajahayaan dhibaatooyin bani aadanimo tan iyo sanadkii 2015- markaasi oo isbaheysiga Sacuudiga uu weerar ku qaadeen xuutiyiinta Yemen.