Banaan Bax Ka dhacay Itoobiya Oo Dad Shacab ah Lagu Dilay.

0
115

Jimco RBB News:- Afar ruux ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday magaalada Hawassa ee dhacda koonfurta Ethopia halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kadib dibadbax ka dhacay Jimcaha Maanta.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Hawassa mr Zinaw Serniso ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha in dadka ku dhintay dibadbaxa sadex ka mid ah ay ahaayeen rag, halka qofka afaraad ay aheyd Haweeney.

Wuxuu intaa raaciyay in sadex ka mid ah dadkaan ay gudaha Isbitaalka ku dhinteen Khamiistii Shalay.
Qowmiyada Sidama ee degta koonfurta Ethopia ayaa dalbanaya ismaamul madax banaan oo iyaga u gaar ah waana qabiilka ugu badan tiro ahaan qabaa,ilada kale ee dega deegaanada koonfureed ee Ethopia.

Ururka dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ee Sidama ayaa dalbanaya in dowlada ay aqbasho in afti qaran oo laga qaado,ka hor inta aan la gaarin dhamaadka Sanadkaan.

Balse dibadbaxyadii dhacay Khamiistii shalay ayaa waxaa saluug ka muujiyay xisbiyada kale ee ka jira Gobolka.

Tewodros Woldemichael oo ah taliyaha ciidanka booliska gobolka ayaa u sheegay wakaalada wararka Ethopia ee Fana in xabsiga la dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyay in rabshadahan ay mas,uul ka Ahaayeen.