Dhib Badanaa oo Dheef Yara Ma Dhalasha Maraykanaa” MAQAAL Ahmed M Warfa

0
259

Axad July, 04, 2019 (RBB NEWS) – Aqriste, adiga ayaa ii daba taagan in aan kaaga hadlo jabkii igu qabsaday gobolka Utah iyo dhalashadii Maraykanka, aniga go’aansaday in aan kaa bootiyo taariikh dheer oo aan soo maray muddadii u dhexeysey ka ceeyrintii la iga ceeyriyey Soomaaliya (Marso 9, 94) iyo imaanshihii Maraykanka (Jannayo 26, 96).

Si kastaba, Bishu waa Jannaayo, taariikhdana 26, sannadkana 1996. Waa aniga, xaas iyo carruur kooban oo lix jir u wayn yahay.

Waxa reerku ku socdaa magac la buun buuniyey oo aan waxba ka jirin (magangelyo siyaasadeed).

Waxan dig ka soo niri “duulay degga” Salt Lake City, magaala madaxda gobolka Utah ee Maraykanka. Waa fiid hore, barafku waa kaa korreeya, xaaska iyo carruurta waa markii ugu horreysey oo ay arkaan baraf ama maqlaan.

Waxa dharkii aan wadannay noqday sidii annaga oo qaawan qabow dartii. Waxan qurbaha joogi jiray aniga oo caddaysima ah, markaanse jiidaa xaas iyo carruur, waxan noqonnay “reer qaawan isma qaaddo” waxanan gartay in jabkii qurbaha ii billowday.

Waxa kale oo nala socota islaan ka mid eheed 51 ruux oo qaxooti ahaa oo qofba meel ku degay, iyagaas oo ila soo qaadeen carruurta, anigana ka caawinaayey afka intii aan ku soo jirnay safarkii dheeraa ee Kenya – Maraykanka.
Waxa islaantii airboorka ugu yimid wiilkeedii oo sugaayey, intii aanan annagu la kulmin qoladii aan u gacan geli doonno.

Waxay islaantii milicsatay oo dareentay ciirsi la’aanta heysata Warfa, xaaska uurka leh, carruurta isuma qaddada ah oo inta afka furatay, barooratay oo la waayey wax aamusiya “jab waa koow.”

Wiilku waa soo arkay tahriib, waa soo arkay oo qurbe uma cusba.

Isla markiiba, waxa nala soo istaagay nin indha yar ah oo inta ii soo dhawaaday I yiri, adiga miyaa Dr. Warfa oo iri haa, waa aniga oo inta isu key sheegay yiri, aniga ayaa la ii kaa soo diray oo iri waatahay, islaantiina degtay oo aamustay markii ay ogaatay in aan reerku dayanayn.

Waa galab Jimca ah, Sabti iyo Axad lama shaqeeyo, wiilkiina iima dhaafin telefoon, anigana indha go’an oo meel la ii wado ma aqaan.

Si kastaba, waxan reerkii Soomaaliyeed isku macasalaamayney duulaay deggii (Airboorkii), soona raacay indha yarkii, isla markiina niyaystey in aan nolol cusub billaabo, isdhiibo oo inta riyada ka boxo muujiyo calool adayg dhinacaygana ordo qurbaha.

Waxa indha yarkii na keenay guri doqosh ah oo aan is iri looguma talagelin degaan oo goorba wuxu ka soo qaadaa busyaal aad hugataan oo inta degtay, furay gurii yiri soo dega. Waa guri ka kooban qol jiif iyo hal sariir; maqaasiin ku rasaysan yihiin joodariyaal, busteyaal; musqul; kushin; telefoon; iwm.

Waxay Sabtidii iyo Axaddii noo eheed sannad, qof reerka ah oo toosay yaraa. Aqalku waa tacbaan, wuxu ka daloolaa meela badan oo lagu gufeeye busteyaal, waxa labadii maalmood oo dhan soconaayey biya aan ka seexan weyney guuxa.

Waxa indha yarkii intii uusan bixin na baray deriska oo ah nin Maraykan iyo naag indha yar ah oo leh laba-saddex carruur, iyo eeyo oo hoos ka leeyahay “qarso jabkaada.” Wuxu indha yarkii I siiyey kaar ay ku jirto lacag faraban oo aan ku gadanno wixii aan u baahanno oo cunta ah, waaba ninkii Warfa oo lagu masaruufaa cashuurtii laga soo aruuriyey curyaaniinta (jab waa koow).

Waxa isla galabtii Axadda, xaaska igu wargelidey in aan canuggii uurka ku jiray lagu heyn dhaq-dhaqaaq, oo inta booday, deg-degay, u garaacay deriska oo inta la iga fiiriyey dariishadda la arkay Warfa rif-rifan oo dhiilla ka muuqato oo inta la iga furay albaabkii reerkii oo dhan igu soo bexeen eeyihiina ciyeen. Inta ninkii isku boobay lebiskii yiri, keen carruurta gurigayga, xaaskana geyno takhtarka deg-deg.

Carruurtii oo sidii ari arkay waraabe indhaha taaga iri, abe la sii ciyaara carruurta deriska, iskana ilaaliya eeyaha, waa dardaaran ee maxay ka garanayaan.

Daqiiqado kama soo wareegin markii ambalas iyo koox caafimaad soo dhigteen oo lala orday xaaskii aniga iyo ninkii deriskana daba galnay. Isla markiiba hooyadii la baaray oo daqiiqado keddib la igu wargeliyey in dhiciskii naf yar ku jirto oo ay tahay in 20-30 daqiiqo gudahood la soo saaro si loo badbaadiyo ee saxiix halkaan ama la wareeg xilka in aad diiday oo ku taagay saxiix tacbaan ah, wuxu ii maleeyaa in aan ahay nin fahamsan waxa uu sheega. Waa la qalay hooyadii oo la soo saaray wiil dhicis ah (2 kilo) oo ay naftu ku daba yartahay, la geliyey kululaysadii oo ku jiray 15 maalmood, hooyadiina u dhexeysaa isaga iyo kuwii kale.

Waxa isbitaalkii laga helay takhtar Ethiopian ah oo loo sheegay xaaladda, noo imaaday, noo sheegay in ay laba qoys qaxootiya, iyo laba wiil oo dhallinyara oo Soomaali ah joogaan magaalada, soona raadin doono xiriirkooda. Dhanka kale, waxay islaantii nala imaatay Utah iyo wiilkeedii u tageen qoysaskii Soomaaliyeed oo nala raadinaayey 2-4 maalmood (jab waa la yaqaan).

Waa naloo imaaday Isniintii, la soo helay qoysaskii qaxootiga, waxa laga soo gurmaday magaala kale (Logan) oo ay joogeen ardey badan oo takhasus loogu soo diri jiray oo qabtii ku dhacday, waaba reerkii oo dadkoodii helay. Waa socotaa ee idinkana la socda.
F. G. Waad ku daalaysaa aqriska, qofkii qorana kaa daran “dhallinyarooy.”