Taliska Ciidamada Xogga Oo Ka Hadlay Dagaallada Awdhiigle.

0
91

Khamiis RBB News:– Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaa jab iyo khasaare xoogan gaarsiiyay Dagaaliyahaano ka tirsann kooxda Shabaab,kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa wakaallada Dowlada Ee SONNA u xaqiijiyay in ay ka dileen kooxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay Shabaab kala wareegeen degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo sida ay inoo xaqiijiyay sarkaal katirsan Ciidamada DANAB.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay maamulayeen Alshabaab.