England oo xasuuqday Xulka Panama, Harry Kane Oo Sedexley Dhaliyay Iyo Xulka England Oo Wareega 16-ka Iskeenay.

0
233

Harry Kane ayaa noqday ciyaaryahankii sedexaaad oo sedexleey u dhaliyay xulka England koobka aduunka.

England waligeeda may dhalinin wax ka badan afar gool hal kulan koobka aduunka iyadoo maanta taariq cusub ay sameysay.

Xulka  Panama oo looga fadhiyay inay guul gaarto kulankan ayaa ciyaarta dardar ku bilaabatay ayadoo ciyaaryahanka Anibal Godoy isku day fiican oo gool laga filankaray sameeyay.

Fursado badan oo ay sameysay xulka Panama markan waqtigii England ayaa lagaaray, waxaana daqiiqadii 8aad gool kaga naxsaday Stones kaaaso gool madax aheyd kaga yaabsaday xulka .

Waxaana daqiiqadii 20aad  u labeeyay Harry Kane oo gool kulaad ka dhaliyay kadib qalad lagu galay Lingard diilinta ganaaxa dhexdeda isagoo ciyaarta ka dhiday 2-0 oo England ay leedahay.

Intaas kadib Lingard ayaa kubad qurux badan ka dhaliyay bananka kadib markii kubad hoo isii ah uu ka helay Raheem Sterling kasoo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Daqiiqada yar markay ka dhiman yihiin nasashada ayaa gooshiisa labaad ahna tii afaraad ee kulanka dhaliyay Stones ciyaarta kadib kubad qurux badan oo laga badbaadiyay sterling.

Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii labaad oo rigoore ah, England ayaana lagu abaalmariyay gool ku laad markii Stones si xun loo qabtay  isagoo kubad sugaayey goolkaas ayaa waxaa dhaliyay kane.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay xulka panama oo xasuuq xun kusocdo.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay, Panama ayaana lasoo baxday qaab ciyaareed ku dhisan kobad heysasho , waxeyna muujiyeen iney isbadal la imaan karaan.

Harry Kane ayaa dhameystiray sadexleydiisii ugu horreysay iyadoo tartankaan uu yahay kaliya kii labaad oo uu kasoo muuqdo heerkiisa qaran, Ruben Loftus- ayaa kubad uu goolka ku tuuray ku dhacday harry kane kadibna gashay goolka.

Daqiiqadii 78-aad Felipe Baloy ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay oo ay Panama ka dhaliyeen koobka adduunka, waana goolkoodi ugu horeeyay ee koob aduun ka dhaliyaan iyadoo taageerayaasha xulka Panama aad ugu farxeen goolkaas.

FINAL RESULT:

8′ John Stones 1 – 0

22′ Harry Kane (pen.) 2 – 0

36′ Jesse Lingard 3 – 0

40′ John Stones 4 – 0

45′ Harry Kane (pen.) 5 – 0

62′ Harry Kane 6 – 0

78′ 6 – 1 Felipe Baloy

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here