Xulalka Ay Ku Aadi Doonto Xulka England Haday Ku Dhameysato Kaalin Koobaad Ama Labaad Ee Wareega Groupka G.

0
231

Three Lions  ayaan usoo bixin wareega  knockout tan iyo 2006, laakiin Harry Kane oo dhimbil dab ah iyo Gareth Southgate oo hogaamiye kalsooni leh, ayaa keentay in England qal qal ku abuurto wadama kale oo hunguri yeenayo koobka.

Harry Kane ayaa seddexleey dhaliyay kulankii England ay guusha ka gaartay xulka Panama iyagoo taariq cusub sameeyay oo ah in ay afar gool iyo kabadan ay hal kulan ka dhaliyaaan koobka aduunka.

England iyo Belgium ayaana ah labada xul ee ugu sareeyo Group G ka dib labo kulan oo ay ciyaareen, midkiiba lix dhibcood ayuu heystaa sideed gool ayeey kala dhaliyeen, min laba goolne waa laga kala dhaliyay.

Haddii ay wada ciyaaraan kulankooda ugu dambeeya ee wareega Groupyada maalinta  Khamiistii, oo ay kala qaybsadaan  dhibcaha markaas qiimeyn kale ayaa lagu sameen doonaa madama meel walbo ay iskala simanyihiin.

Hadaba England yey ku aadi kartaa haday kusoo baxdo kaalinta koobaad ama labaad ee groupka.

FALAQEYNTA:

Xaqiiqda waxaa macquul noqon karto in kooxda kaalinta koobaad ku dhameysata wareega groupyada ay kudhici karto xulalaka  Brazil Iyo Jarmalka wareega sideed dhamaadja ama Quater Finalka , halka kooxda xulka kaalinta labaad ku jira ay u badan tahay inay ku dhacdo Mexico ama Switzerland ee Wareega sideed dhamaadka ama Quater Final.

XULALKA AY KU AADI DOONTO XULKA ENGLAND HADAY KU DHAMEYSATO KALINTA KOOBAAD EE GROUP G .
WAREEGA 16-ka:

Japan, Senegal or Colombia (July 2, 9:00pm, Kazan)

Quarter-final:

Brazil or Germany (July 6, 9:00pm, Kazan)

Semi-final:

France, Portugal or Spain (July 10, 9:00pmpm, St Petersburg)

Final:

Portugal or Spain (July 15, 6:00pm , Moscow)

XULALKA AY KU AADI DOONTO XULKA ENGLAND HADAY KU DHAMEYSATO KAALIN LABAAD EE  GROUP G
WAREEGA 16-ka:

Japan, Senegal or Colombia (July 3, 9:00pm, Moscow)

Quarter-final:

Mexico or Switzerland (July 7, 5:00pm, Samara)

Semi-final:

Croatia, Portugal or Spain (July 11, 9:00pm , Moscow)

Final:

France or Spain (July 15, 6:00pm, Moscow)

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here