Qaban Qaabada Shirka Dib Uheshiisiinta Galmudug Oo Dhuusa-Mareeb Kasocoto.

0
37

Talaado RBB News:- Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug oo ay Magacawday Xukuumada Somaliya ayaa soo saaray Warbixin ay Ku muujinayaan waxii ay soo qabteen tan iyo markii lamagacaabay habraac iyo diyaar garoowgiisa qabsoomida Shir loo dhanyahay oo ay isugu yimaadaan dadka kunool deegaanada Maamulka Galmudug.
Shan qodob oo ku aadan furmida shirkan ayay soo saareen Gudiga, waxaana lagu wadaa in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.

1-Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.

2-Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

3-Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

4-War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

5-Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Qaban qaabada Shirka ayaa laga dareemayaa guud ahaan Magaaladda Dhuusamareeb.