Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland oo ladoortay.

0
42

Talaado RBB News:- Ka dib markii maanta Magaalada Kismaayo lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa waxay doorteen Gudoomiye KMG, si uu u haggo hawlaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha KMG, Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa waxa uu xilka sii hayn doonnaa inta laga soo dooran doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Kuxigeenadiisa.

Guddoonka KMG Baarlamaanka Jubbaland ayaa maarayn doona fadhiyada Baarlamaanka, oo shaqooyin muhiim ah ay horyaalaan inta aan la soo dooran Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibanadan ayaa waxaa xalay soo magacaabay Guddiga Doorashada Jubbaland, oo lagu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).