Maxkamada Sare ee Hindiya oo taageertay xayiraada Kashmiir.

0
160

Talaado RBB News:- Maxkamada sare ee Hindiya oo dib u eegis ku sameysay dacwad ku aadan in dowlada ay dib uga noqoto bandowga Kashmir, ayaa sheegtay in ay sii socon doonto xayiraada dhanka Isgaarsiinta ee saaran Kashmiir.

Garsoorka maxkamada ayaa sheegay talaadada maanta ah in xaalada gobolka muslimiinta ay tahay mid xasaasi ah oo u baahan in la siiyo waqti si dowlada ay u qaado Xayiraada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Hindiya KK Venugopal ayaa sheegay in xiligaan aan lagu deg degi karin go,aan ka gaarista arintaan maadama xaalada Kashmir ay tahay mid si fudud marwalba isku Badaleysa.

Mr Venugopal ayaa intaa ku daray in ay eegi doonaan ayna dowlada la socon doonto talaabo Kasta.

Maxkamada sare ee Hindiya ayaa qeexin in xayiraada ay qaadan doonto maalmo ama bilaha balse waxaa uu xusay in dowlada ay ku taagarayaan xayiraada ay saartay gobolka Kashmiir.

Go,aankan ayaa ku soo aadayaa iyadoo todobaadkii labaad uu marayo bandowga xukuumada Delhi ku soo rogtay gobolka Himalayan, kadib digniin dhanka amniga oo ay soo saartay laanta sirdoonka Hindiya.