Puntland Oo Soo Dhaweysay Xildhibaanada Cusub Ee Kismaayo lagu dhaariyay.

0
139

Talaado RBB News:- Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ugu hambalyeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ee maanta lagu dhaariyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Puntland ayaa bogaadisay hannaanka ay ku socoto Doorashada Jubbaland, waxayna u rajeysay in doorashada ku soo idlaato sidii loogu talagalay ee loo qorsheeyay.

Sidoo kale Puntland ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ku dhiira-gelisay in Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay ku qabsoomaan, si daah-furan waqtiga loogu talagalay.

Hadalka ka soo yeeray Puntland waxa uu ku soo aadayaa, xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ay horey u sheegtay inaanay aqoonsan doonin natiijada Doorashooyinka Jubbaland.