Axmed Madoobe oo bogaadiyay Xildhibaanada Kismaayo Lagu Dhaariyay.

0
125

Talaado RBB News:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu xubnahan cusub ee ka mid noqday Baarlamaanka Jubbaland uu u rajaynayaa in Alle la garab galo masuuliyadda culus ee dadka reer Jubbaland ay u dhiibteen, sida uu yiri.

Dhammaan shacabka reer Jubbaland ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay in ay garab istaagan mid ka mid ah Hay’adahooda Dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso taas oo wadada u xaaraysa qaybaha ka dhiman, oo ay ku jirto Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ammaanka iyo midnimada la adkeeyo oo shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taas oo raad qurux badan u noqonaysa dimoqraadiyadda iyo dowladnimada Jubbaland, sida uu yiri.