Dhageyso:- Wasiir Cawad oo ka hadlay kulan uu la qaatay madax ka socotay Somaliland

0
49

Arbaco, RBB News – Axmed ciise cawad wasiirka Arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xs ayaa ka hadlay kulan la sheegay in boqortooyada sacuudiga kula qaateen madaxda ka socotay Somaliland.

Wasiir cawad oo la hadlay laanta af soomaaliga ee voa ayaa sheegay ugu horeyn in xujey fara badan ay sanadkan xajiyeen, isagoo wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta iyo qunsiliyadda Somaaliya ee boqortooyada Saduudiga kaga mahad celiyay dadaalada ay sameeyeen sanadkan.

Wasiirka arimaha dibedda ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday kulan ay xajka kula yeesheen Madax muuse biixi cabdi, waxa uu sheegay in hal qasri ay isla dagnaayeen sidaasna ay kuwada kulmeen, kulan ku dhisan is jacayl iyo marxabayn ayuu shegay in dhinacyadu ay yeesheen oo aan looga hadlin kulankaaas siyaad iyo arimo gooni ah.

Waxba kama jiraan ayuu ku tilmaamay hadalo qaar ee lagu daabacayay baraha bulshada ee ahaa kulankaas in uu ahaa mid siyaasad ku qotoma.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaai faramaajo ayaa kal hore gudi u magacaabay xalinta tabashooyinka Ay qabbaan soomaliland welina ma muuqato waxyaabo kasoo naas cadaaday.

Laakiin midow ay sameeyeen gudahaan soomaalida ayaa ka dhigan dib usoo laabashada awoodii afrika ay ku lahayd Soomaaliya.

 

Halkan ka dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya