Britain iyo Mareekanka oo gaaray hishiis Ganacsi oo dhaqan galaya kadib ka bixitaanka Britain ee midowga yurub

0
62

Arbaco, RBB News – Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen heshiis ganacsi oo dhaqan galaya 1-da Noofembar, maalin kadib markii ay Britain ay ka bixi doonto Midowga Yurub.

Intii lagu gudajiray booqasho uu ku tagey London, la-taliyaha amniga qaranka ee Mareykanka John Bolton wuxuu kala hadlay wasiirka ganacsiga Ingiriiska Liz Truss suurta galnimada in labada hogaamiye ee labada dal ay kala saxiixdaan cadeynta khariidada jihada hishiis dhanka ganacsiga ah.

Bolton iyo wasiirka maaliyadda ee Ingiriiska Sajid Javid ayaa sidoo kale isku soo hadal qaaday suurtagalnimada heshiis ganacsi oo ku meelgaar ah oo daboolaya dhammaan waaxaha.

Heshiiska noocan oo kale ah wuxuu socon karaa wax u eg lix bilood, sarkaalka ayaana sidaas u sheegay wariyeyaasha.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa lafilayaa inay ka baxdo midowga Yurub 31-ka bisha Oktoobar.
Raiisel wasaare Boris Johnson ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadanka ka saaro isqabqabsiga isagoon wax heshiis ah gaarin inkastoo uu rajeynayo inuu sugo in si nidaamsan looga baxo heshiiska.