Ciidamada Danab oo saaka howlgalo ka sameenaya Awdhiigle

0
66

Arbaco, RBB News – Wararka saaka ka imaanaya degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay howlgalo Saaka ka wadaan degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in ay ciidamadu risaas ay ridayaan oo laga maqlayo deegaanada ku xeeran degmada Awdhiigle, ilaa welina lama hayo xog ku saabsan qasaaraha ka dhashay risaasta ay ridayaan ciidamada dida gaarka u tababaran ee Danab.

Saraakiisha u hadashay ciidmada howlgalada sameenaya ayaa waxay sheegeen in ujeedkoodu uu yahay sidii Alshabaab gacantooda ay uga saari lahaayeen deegaanada ay gacanta ku hayaan ee hoosyimaada Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Degmada Awdhiigle ayaa waxaa tira dhowr jeer ah gacan ku heynteeda isku bed bedelay Ciidamada Dowladda iyo Alshabaab, laakiin si buuxda waqtigan waxaa degmada gacanta ku haya ciidamada Xoogga Dalka.