Gogol xaarka: Liverpool Vs Chelsea: ka bogo Xogaha ku gidaaman kulankan xiisaha badan

0
77

Arbaco, RBB Sports – Indhaha dadka jecel kubada cagta ayaa u jeedsan doona garoonka BJK Vodafone Park ee ku yaala dalka Turkey caasimada Istanbul kulan dhex mari doona kooxaha Liverpol 7 Chelsea kuna saabsan Finalka UEFA Super Cup.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay ku guulaysato Super Cup-ka markii 4-aad ee taariikhdeeda sidoo kale bar-barayso rikoodhka kooxda Real Madrid.

Dhanka kale kooxda Chelsea oo uu hogaaminayo tababareheeda Frank Lampard ayaa ku guulaysan karta koobka Super Cup-ka markii 2-aad ee taariikhdeeda.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Liverpool Vs Chelsea

Tartanka: UEFA Super Cup

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Vodafone Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Markan ayaa ah markii 4-aad ee ay chelsea ciyaarto koobka UEFA Super Cup iyada oo ku guulaystay markii ugu horaysay ee ay ciyaartay sanadkii 1998 halka ay labadii jeer ee ugu dambeeyay guuldarooyin kala kulantay Atletico Madrid iyo Bayern Munich.

Kooxaha England ayaa markii 8-aad garoonka Vodafone Park ku ciyaari doona garoonka UEFA Super Cup kaliya kooxaha Spain oo ku ciyaaray 15 jeer iyo Italy oo 9 jeer ku ciyaaray ayaa ka badan.

Kulankan ayaa ah midkii 11-aad ee ay labada kooxood oo yurub ah isaga hor yimaadaan tan ilaa 2005 iyaga oo 10 ka mid ah ku guulaysteen Champions League 2 ka mid ahna ku guulaystay Liverpool halka ay chelsea 3 ku guulaystay 5 kalena bar-baro ku dhamaadeen.

Kooxaha premier League ayaan ku guulaysan UEFA Super Cup tan ilaa 2005 markaas oo ay Liverpool ku guulaystay iyaga oo wixii ka dambeeyay 4 guuldaro oo xidhiidh ah la kulmay oo ay ugu dambaysay guuldaradii chelsea ee 2012 iyo 2013.

Liverpool ayaa markii 4-aad ku guulaysan karta koobka UEFA Super Cup iyaga oo bar-barayn doona Real Madrid halka ay ka horayn doonaan Barcelona iyo Ac Milan oo min 5 jeer ku guulaystay.