DEG DEG:- Weerar qarax ku bilawday oo ka dhacay Degmada Awdhiigle

0
56

Arbaco, RBB News – Wararka ka imaanaya degmada awdhiigle ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Saldhig Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa danab ku leeyihiin degmada Awdheegle, halkaasoo todobaadkii hore ay kala wareegeen Alshabaab.

wararku waxay sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid xooggan waxaana daba socda rasaas culus oo aan kala go’laheyn, sida dadka deegaanka ay soo sheeegayaan.

Weli lama hayo xog ku saabsan sida wax u socdaan, waxaana aad u adag in la helo warar rasmi ah oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Awdheegle iyo rasaasta culus ee ka scoda.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidan waxaa lagu bilaabaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyo oo qof uu kaxeeyo, iskuna qarxiyo afaafka hore xarunta, kaddibna ay xigaan weerar dhulka ah.

Ciidamada xooggan dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah sida Bariire, Sabiid iyo Awdheegle.