Ergada ka qaybgaleysa shirka Dhuusamareeb oo Lagu Amray In Deg Deg ay kutagaan Dhuusamareeb.

0
84

Arbaco RBB News:- Guddiga qaban-qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa waxay ku baaqeen ergeyda ka qaybgaleysa shirka looga baahan yahay inay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb.

C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow, Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta shirweynaha beelaha Galmudug ayaa sheegay in 17-ka bishan uu shirka si rasmi ah uga furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay maadaama waqtigii uu furmi lahaa shirka uu kaabiga inagu soo hayo, loo baahan yahay inay ergeyda ku soo xaadirto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ergeyda ugu baaqay in ay waqtiga ilaaliyan, si aanu markale dib u dhac ugu imaan gogosha nabadeed ee taala Dhuusamareeb.

5-tii bishan ayaa lagu waday in shirka uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo uu dib u dhac ku yimid.