Xildhibaano Katirsan labada Golle Ee Baarlamaanka oo Kismaayo Lagu Soo Dhaweeyay.

0
56

Arbaco RBB News:– Waxaa maanta Magaalada Kismaayo gaaray Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya, ka dib markii ay ka taggeen Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo, waxaana loo kaxeeyay dhismihii maalintii Talaadada lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanadii maanta gaaray Magaalada Kismaayo ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayen doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray saddex qodob oo uu ku sheegay in uu ku saleysan yahay socdaalka ay xilligan ku taggeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Fiqi ayuu qoraalkiisu u qornaa sidan:-

1- In hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalku gaar ahaan hay’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hay’adaha dastuuriga ah ee Jubbaland.

2- U kuurgalidda habsami u socodka hannaanka iyo geedi-socodka doorashada Jubbaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.

3- In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubbaland In la ilaaliyo.