Sacuudiga oo lagu eedeeyay in uu dhibaateeyay qaxooti Itoobiyaan Ah.

0
58

Jimco RBB News:- Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in uu tacadi bani Aadanino u geestay qaxooti Itoobiyaan ah oo si tahriib ah ku galay Dalkaasi.

Qaar ka mid ah qaxootigaan oo qaab tarxiil ah looga soo dajiyay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dhibaato loo geestay intii ay ku guda Jireen Xabsiga.

Dhanka kale mas,uuliyiin ka tirsan hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha oo ku sugan caasimada Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dadkaan qaarkood ay ka muuqato jirdil loo Geestay.

Sacuudiga ayaa dhanka kale lagu eedeeyay in boqolaal qaxooti Itoobiyaan ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaasi kuwaasi oo wali aan dalkooda lagu soo Celin.