Duqeyn Lagu Dilay Dagaalamayaal Katirsan Shabaab Oo laga FuliyaySh/Hoose.

0
63

Jimco RBB News:- Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxay duqaymo Gobolka Shabellaha Hoose kula beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Diyaaradahan ayaa waxay siyaabooyin kala duwan u beegsadeen saldhigyada Al Shabaab, ee ay ku kala leeyihiin deegaanada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Idaacadda afka Ciidanka Xoogga Dalka ku hadasha ee SNA ayaa sheegtay in duqaynta hore Al Shabaab lagula beegsaday deegaanka Janaale, xilli ay aas u samaynayeen dagaalyahano looga dilay dagaalkii Degmada Awdheegle, isla-markaana uu jiro khasaaro Shabaabka lagu gaarsiiyay duqayntaasi.

Idaacadda SNA ayaa sidoo kale sheegtay in duqaynta kale ee ka dhacday deegaanka Mubaarak lagu bartilmaameydsaday dagaalyahanada Al Shabaab, xilli ay ku hawlanaayeen diyaarinta qaraxyo.

SNA ayaa ku warantay in duqayntaasi lagu dilay 21 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka 37 kalena lagu dhaawacay.

Idaacadda SNA ayaa tebisay in duqaymahaasi ay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, isla-markaana ay ka qayb qaateen Ciidanka Xoogga Dalka.