Halkee ayay dagayaan Ergooyinka kaqeyb Galaya Shirka Dhuusa-mareeb.

0
45

Jimco RBB News:- Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay inuu ka dhaco shirka iyo goobaha loo diyaariyay inay degaan ergooyinka ka qeyb galaya.

Guddoomiyaha Guddiga Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow ayaa sheegay in la dhameystiray adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa shirka, isla markaana la soo gabagabeeyay diyaar garowga shirka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay hayaan Liiska Ergada ka qeyb galeysa shiweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, ayna rajeynayaan inay soo gaaraan Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in shirka uu si rasmi ah u furmi doono 17-ka bisha oo ku beegan maalinta berri oo Sabti ah.

Hase ahaatee Waxgaradka iyo odayaasha ka qeyb galaya Shirka ka socda Hobyo ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxay iyagana dalbadeen in dib loogu dhigo shirweynaha dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Si kastaba ha ahaatee dadaalada la doonayo in dib loogu dhiso Maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid sii daba dheeraaday, marka loo eego caqabadaha weli taagan.