AKHRISO:- Waqtiga La Qabanayo Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League, Kooxaha U Soo Baxay Ilaa Iyo Haatan.

0
86

Kubada cagta Champions League ayaa dhawaan soo laaban doona iyadoo wax yar ay ka harsan tahay bilowga wareega group-yada ee koobka loogu jecel yahay tartamada kubada cagta Yurub.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Liverpool iyo kooxaha kale ee waa weyn ee Yurub ayaa dhawaan ogaan doona group-ka ay ka mid noqonayaan marka la qabto isku aadka.

Liverpool ayaa koobka ku qaaday Madrid ka dib markii ay ciyaarta finalka 2-0 kaga badiyeen Tottenham, labadaan kooxood iyo Man City iyo Chelsea ayaana Ingariiska ku matali doona wareega group-yada iyadoo Arsenal iyo Man United ay xilli ciyaareedkan ka dheeli doonaan Europa League.

Goormee iyo halkee ayaa lagu qabanayaa isku aadka?

Isku aadka wareega group-yada Champions League waxaa maalinta Khamiista ee 29ka bisha Agoosto lagu qaban doonaa magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

Halkee ayaad ka daawan kartaa?

Isku aadka waxaa si toos ah muuqaal ah looga baahin doonaa website-ka rasmiga ah ee UEFA. Waxaa sidoo kale baahin doonta BT Sport oo Ingariiska ah, BeIN Sports oo Carabta Iyo Geeska Afrika ah iyo sidoo Supersport oo Afrika oo idil ah.

Waxaad sidoo kale isku aadka si qoraal toos ah ugala socon doontaa shabakada Laacib oo idiin soo gudbin doonaa maalintaas oo dhan wax walba oo isku aadka ku saabsan.

Dheriyada Champions League Iyo Qiimaha Uu Leeyahay

Kooxaha hantay Champions League iyo Europa League iyo kooxaha ku soo guuleystay horyaalada ugu qiimo sareeya Yurub ayaa ku jira dheriga koowaad taasoo la micno ah in kooxahaas aysan isku soo aadi doonin.

Group walba waxa uu ka koobnaan doonaa min hal koox oo laga soo xulay afarta dheri ee loo qeybiyay kooxaha ka qeybgalaya Champions League

Dheriga 1aad 

  • Liverpool
  • Chelsea
  • Barcelona
  • Bayern Munich
  • Juventus
  • Manchester City
  • Paris Saint-Germain
  • Zenit
Sidoo Kale Akhri:  Sidee Ayay Noqon Doontaa Shaxda Real Madrid Iyo Barcelona Haddii Ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Xiddiga PSG Neymar?

Kooxaha kale ee ilaa iyo haatan u soo baxay isku aadka wareega Group-ka
Real Madrid (ESP)
Atlético Madrid (ESP)
Borussia Dortmund (GER)
Napoli (ITA)
Shakhtar Donetsk (UKR)
Tottenham Hotspur (ENG)
Benfica (POR)
Lyon (FRA)
Bayer Leverkusen (GER)
Salzburg (AUT)
Valencia (ESP)
Internazionale Milano (ITA)
Lokomotiv Moskva (RUS)
Genk (BEL)
Galatasaray (TUR)
RB Leipzig (GER)
Atalanta (ITA)
LOSC Lille (FRA)
Lix kooxood ayaa isreebreeb ku soo baxaya

Waxyaabo aad u baahan tahay inaad ogaato

  • Kooxaha isku wadanka ah iskuma soo aadi doonaan wareega group-yada. Tusaale ahaan Liverpool iyo Man City isku group ma noqon karaan.
  • Kooxaha waxaa loo kala saarayaa afar dheri ka hor isku aadka, Dheriga 1aad waxaa ku jira kooxda heysata koobka (Liverpool), kooxda ku guuleysatay Europa League (Chelsea) iyo kooxaha soo qaaday horyaalada lixda wadan ee ugu qiimo sareeya Yurub.
  • Dheriyada 2, 3 iyo 4 waxaa lagu saleynayaan kaalimaha ay kooxaha uga jiraan qiimeynta UEFA
Sidoo Kale Akhri:  Milkiilayaasha Liverpool Oo Ku Amray Jurgen Klopp Talaabooyin Ka Caawinaya Kooxda Inay Hanato Premier League Xilli Ciyaareedkan

Taariikh ugu muhiimsan

  • Kulamada 1aad ee wareega group-yada: 17/18 September
  • Kulamada 2aad ee wareega group-yada: 1/2 October
  • Kulamada 3aad ee wareega group-yada: 22/23 October
  • Kulamada 4aad ee wareega group-yada: 5/6 November
  • Kulamada 5aad ee wareega group-yada: 26/27 November
  • Kulamada 6aad ee wareega group-yada: 10/11 December
  • Isku aadka wareega 16ka: 16 December
  • Lugta hore ee wareega 16ka: 18/19 iyo 25/26 February
  • Lugta labaad ee wareega 16ka: 10/11 iyo 17/18 March
  • Isku aadka wareega 8da iyo semi-finalka: 20 March
  • Lugta hore ee wareega 8da: 7/8 April
  • Lugta labaad ee wareega 8da: 14/15 April
  • Lugta hore ee semi-finalka: 28/29 April
  • Lugta labaad ee semi-finalka: 5/6 May
  • Finalka: 30 May