Barcelona Dalabkeedii Ugu Danbeeyay Ee Xiddiga PSG Neymar

0
75

Paris Saint-Germain ayaa diiday dalabkii ugu danbeeyay ee ay Barcelona ka gudbisay Neymar kaasoo ahaa heshiis labo sanno oo amaah ah iyo inay qasab tahay inay joogta ah u la wareegaan ka dib heshiiska amaahda sida ay sheegtay warbaahinta Spain ee Cadena Cope.

Shalay oo Talaado aheyd wargeyska Marca ayaa sheegay in dalabkaan la gudbiyay halka El Mundo Deportivo oo soo xiganeysa jariirada Faransiiska ee L’Equipe ay sheegtay in PSG ay ku dhow dahay inay aqbasho dalabkaas.

Warka ayaa waxa uu sheegayaa in dalabkaan uu ahaa kan kaliya ee ay Barcelona u bandhigi kartay PSG madaama aysan heysan ciyaartoy ay dalabka ku darto ama lacag kaash ah oo ay si toos ah ugula soo wareegto xiddiga reer Brazil.

Sidoo Kale Akhri:  Cristiano Ronaldo Oo Si Lama Filaan Ah Oo Maldahan U Shaaciyay Waqtiga Uu Ciyaaraha Ka Fariisan Karo – Waa Waqti Dhow

Weeraryahanka reer Brazil ayaa si xoogan loola xiriirinayay kooxda Barcelona xagaagan isagoo doonaya inuu isaga dhaqaaqo caasimada Faransiiska.

Xiddigii hore ee Santos ayaa ka tagay Camp Nou isagoo u dhaqaaqay Paris xagaagii 2017 markaasoo lagu iibsaday lacag rikoorka adduunka ah oo gaareysa 222 milyan euro, laakiin wararka waxa ay sheegayaan inuu haatan doonayo inuu isaga dhaqaaqo Paris.

Neymar ayaa si joogta ah looga xiriirinayay inuu ku laabanayo Spain iyadoo sidoo kale Madrid ay qiimeyneyso xaaladiisa.

Warbixin lagu qoray Marca sheegeysa inaysan haatan jirin dalab ciyaaryahan isku bedelasho ah oo ay Barcelona u bandhigi karto PSG madaama Coutinho uu ku biiray Bayern Munich islamarkaana Ousmane Dembele uusan dooneynin inuu ka tago Barcelona xagaagan.