Madaxweynaha Soomaliland oo dib ugu laabtay Hargeysa

0
140

Khamiis, RBB News – Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada hargeysa ee xarunta maamulkaas Kadib mudo Aysoo Cimraysanayeen .

Waxaana Madaxweynaha Maamulka iskood gooni isku taagga ugu dhawaaqay ee soomaaliland la socday qaarkamida wasiirada maamulkaas iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta la hadlay kadib imaanshaha madaxweyne muuse biixi ayaa sheegay in kadib gudashada waajibaadka xajka, ay kulan la qaateen masuuliyiin katirsan Boqortooyada Sacuudiga oo ay kala hadleen dhinacyo badan.

Waxa uu sheegay in ay labada dhinac ka hadleen arimo la xidhiidha mowqifka somaliland ee ku aadanaa khilaafkii dowladaha khaliijka iyo wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Inta wafdiga Madaxweynaha Maamulka somaliland ku sugnaayeen Sacuudiga ayaa waxay kulan la qaateen wasiirka Arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xs Danjire Axmed Ciise Cawad iyadoo warar xiligaas la baahiyay ay sheegayeen in ay labada dhinac ka hadleen arimo quseeya Dowladda dhexe iyo maamulka somaliland iyo sida layskugu soo dhawaan karo loona xalin karo tabashooyinka jira, inkastoo markii dambe ay beeniyeen labada dhinac in kulankaas looga hadlay arimo siyaasad ku saabsan.