Danjire Tarsan oo ka tacsiyadeeyay Geerida marxuum Xasan Maxamed Siyaad

0
100

Jimco, RBB News – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo mas’uuliyiin kale  waxa uu tacsi u dirayaa ehellada iyo qoyska marxuum Danjire Xasan Maxamed Siyaad oo ku geeriyooday dalka Cummaan.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) safiirka Soomaaliya ee Kenay ayaa eebe uga baryay in uu janadii fardowsa uu ka waraabiyo,marxuum Xasan Rubeeci.

Danjire Xasan Maxamed Siyaad waxa uu muddo dheer u soo shaqeyay qaranka, isaga oo soo noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuwait,sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey wadamo kale sida Dalka Cumaan oo haan uu ku geeriyooday.

Marxuun Danjire Xasan Maxamed Waxa uu ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa.