Madaxweynihii hore ee Galmudug oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho

0
90

Jimco, RBB News – C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo dalka uga maqnaa howlo kala duwan oo ay ka mid aheyd arrimo caafimaad.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Masuuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, Warar aan heleyno ayaa sheegaya in C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug dhawaan uu tagi doono Magaalada dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee Galmudug, halkaas oo ay ka socdaan dadaalo la doonayo in maamul loo dan yahay lagu dhiso.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa dhawaan shaaciyay inuu siyaasadda dib ugu soo laabtay, sidoo kale waxa uu sheegay inuu Xisbi Siyaasadeed uu dhisi doono, isla markaana damac badan uga jiro doorashada soo socota ee 2020 inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweyne, inkastoo aanu si rasmi ah u shaacin hankiisa.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale mar soo noqday wasiirkii Amniga Soomaaliya inkastoo uu is casilay kadib markii ay soo bateen qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.