Axmed madoobe oo Salaadda Jimcaha kadib boqolaal shacab ah kula hadlay Kismaayo

0
100

Jimco, RBB News – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta salaada Jimcaha kula dukaday Masjidka suuq weyne ee Magaalada Kismaayo boqolaal Shacab ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa salaada jimcaha kadib la hadlayay dadweynaha Magaalada Kismaayo waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan Midnimada oo ay is cafiyaan.

Geesta kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Culimada Magalada Kismaayo, sida ay dadka ugu dhiiri galinayaan kor u qaadista iyo Barashada diinteenna suuban ee Islaamka.

Masaajidka suuq weyne ee Magaalada Kismaayo ayaa la dhisay Sanadkii 1942 iyadoo dib u dhis ballaaran oo ay ka qeyb qaateen dadweynaha Magaalada Kismaayo lagu sameeyay Sanadkii 2017kii.