maxaa ka cusub ciyaaraha Maanta

0
95

Sabti, RBB News – Mucaashiqiinta kubada cagta waxaan idiin soo gudbin doona wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha maanta oo sabti ah ka cusub.

Real Madrid ayaa wali xiisaynaysa saxeexa Neymar JR balse waxay doonayaan inay damaanad ku saabsan dhaawaca cagta ee kusoo noq-noqda Neymar JR ka helaan kooxda Paris Saint-Germain. (Marca)

Aabaha ahna wakiilka 27 jirka kooxda Arsenal ee Shkordan Mustafi ayaa qirtay inuu ka shaqaynayo heshiis uu Gunners kaga saarayo oo uu koox cusub ugu raadinayo wiilkiisa. (Mirror)

Liverpool ayaa la filayaa inay heshiis cusub ka saxeexato daafaca kooxdeeda ee Virgil Van Dijk iyadoo la siinayo laba jibaarka mushaharkiisa haatan oo uu toddobaadkii qaadan doono £250,000. (90min)

Manchester United ayaa ku rajo weyn iibinta weeraryahanka kooxdeeda ee Alexis Sanchez kahor xidhitaanka suuqa qaarada Yurub ee 2-da September. (Mirror)

Tottenham ayaa tixgelin doonta iibinta khadka dhexe ee kooxdeeda ee Christian Eriksen haddiiiba laga soo gudbiyo dalab 50 Milyan oo euro ah. (Daily Mail)

Tottenham ayaa heli karta fursada ay bisha January kula saxeexan karto weeraryahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala haddiiba uu Juve kusii negaado.. (Football.London)

Kooxda Juventus ayaa la sheegayaa inay u furan tahay iibinta khadka dhexe ee kooxdeeda ee Miralem Pjanic inta uu furan yahay suuqa xagaagani. (Calciomercato)

Bayern Munich ayaa doonaysa inay bedelka Renato Sanches oo kooxda Lille ku biiray ka dhigato khadka dhexe ee kooxda Espanyol ee Marc Roca. (L’Equipe)

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa sheegay inuusan filanayn in 32 jirka kooxdiisa ee Keylor Navas uu ka bixi doono kooxda walow lala xidhiidhinayo kooxda ree France ee Paris St-Germain. (Marca)