Hordhac; Real Madrid oo wajaheysa Valladolid

0
75

Sabti, RBB News – waxaa todobaadkii labaad la amba qaadi doono kulamada Horyaalka faca weyn ee La Liga Spain xili kooxaha ka ciyaaraya horyaalka fasal ciyaareedkan ay siweyn isugu diyaariyeen loolanka loogu jiro ku guuleysiga horyalkaasi.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Real Valladolid iyada oo markii ugu horeeyay ku ciyaaraysa garoonkeeda Santiago Bernabue xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul ku bilowday horyaalka La Liga kadib markii ay garaaceen kooxda Celta Vigo kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga.

Kooxda Real Valladolid ayaa dhankeeda booqanaysa Real Madrid iyaga oo guu 2/1 ah ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka dhacay garoonkeeda Benito Villamarín Stadium.

Kulanka: Real Madrid Vs Real Valladolid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo

Garoonka: Santiago Bernabeu

Taariikhda Kulankan:

Kooxda Real Madrid ayaan 9 kulan oo xidhiidh ah guuldaro kala kulmin kooxda Real Valladolid iyaga oo 9 ka mid ah kulamadaas guul ka gaadhay kooxda Valladolid.

Markii ugu dambaysay ee ay kooxda Valladolid guul ka gaadhay kooxda Real Madrid ayaa ahayd 2008 markaas oo ay 1/0 uga badisay kulan ka dhacay garoonka Estadio Jose Zorrilla.

Xilli Ciyaareedkii hore kooxda Real Madrid ayaa badisay labadii kulan ee ay ka hor tagtay kooxda Valladolid