Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Daacish

0
72

Axad, RBB News – Ciidamada ammaanka magaaladda dekadda leh ee Boosaaso ayaa howlgalo kala duwan waxay ka sameeyeen huteelo iyo xaafado kala duwan oo ku yaalla xarunta gobolka Bari.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed ayaa shaaciyey in howlgaladaasi ay kusoo qabteen rag lagu tuhmayo Al-Shabaabnimo iyo Daacishnimo.

Mr Xuseen ayaa daboolka ka qaadey in xubnahaasi ay su’aallo waydiin doonan, isla markaana baaritaanka kadib ay soo bandhigayaa natiijadda.

Ma uusan shaacin tiradda saxda ah ee ay kooban yihiin shaqsiyaadka ay hayaan, kuwaasi oo isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn.

Magaaladda Boosaaso oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah ammaanka ayaa waxaa kawada howlgala Al-Shabaab iyo Daacish.

Bishii hore ayay ahayd markii Maxkamadda ku taala magaaladaasi ay xukuno kala duwan ku riday xubno lagu eedeeyay in ay ka barbar-dagaalami jireen kooxahaasi.