Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaano cusub

0
55

Axad, RBB News – Ciidamadda Xoogga Soomaaliya qaybta HirShabelle ayaa maanta oo Axad ah la wareegay gacan ku haynta degaanka Buurwayn ee gobolka Hiiraan.

Tuulada oo u dhaxeysa Jowhar iyo Beledwayne ayaa waxay Al-Shabaab ku lahayd goob ay ku qaado canshuuraha oo u ah il-dakhli.

Taliyaha Ciidamadda ee degmada Buulo-burde, Dhame Cabdi Maxamed Xasan [Suul nuuge] ayaa u sheegay warbaahinta in aysan baaqi kusii ahayn doonin degaanka.

Mr Suul-nuuge ayaa ku nuux-nuuxsaday in howlgalka ay ku qabsadeen degaanka ay qayb ka ahaayeen Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM.

“Ma dhici wax dagaal ah, markii ay ogaadeen in aan u soo socono ayey kasii baxeen,” ayuu taliyaha u sheegay idaacadda VOA-da.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray: “Berri waxaan kasoo tageynaa, balse dib ayaan ugu soo laaban doonaa”.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ayaa u sheegay Idaacada Banaadir in xoogaga dowladda ay u jihaysan doonan magaaladda xarunta gobolka Hiiraan.

Howgalkan ayaa qayb ka ah kuwa kale oo ka socda gobolada kala duwan ee dalka, kuwaasi oo lagu xorreynayo degaanada baaqiga ku ah gacanta AlShabaab.