Shaxdii ugu fiicneyd Todobaadkan Horyaalka Premier League oo lasoo saaray

0
59

Isniin, RBB News – Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee wada badisay seddexdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen kooxda Arsenal halka Manchester City ay iyadana 3-1 uga talaabsatay kooxda Bournemouth.

Chelsea ayaa gaartay guushii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka markii ay 3-2 ku garaaceen Norwich City halka Manchester United ay guuldarro lama filaan ah ka soo gaartay Crystal Palace.

Newcastle waxa ay si lama filaan ah 1-0 uga badiyeen kooxda Tottenham, iyadoo Leicester ay sii wadato guuldarro la’aanteeda markii ay 2-1 kaga badiyeen Sheffield United.

Dhanka kale Aston Villa ayaa 2-0 kaga badisay Everton, West Ham 3-1 ayay ku dubatay Watford, Southampyon 2-0 ayay qaarjiyeen Brighton halka Wolves iyo Burnley ay ku heshiiyeen barbaro 1-1 ah.

Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xulay shaxda isbuucaan ugu fiicneyd horyaalka Premier League.

Goolhayaha isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka Premier League waa goolhayaha Newcastle Dubravka kaasoo ka caawiyay Newcastle guushii lama filaanka aheyd ee ay ka gaareen Tottenham isagoo kooxdiisa shabaqa u ilaaliyay inkastoo Spurs ay isku dayeen inay soo taabtaan.

Daafaca Newcastle Dummett ayaa isna ka mid ah daafacyada isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka isagoo Tottenham u babac dhigay, halka Gary Cahill uu ahaa xiddiga garoonka kulankii ay Crystal Palace ka badisay Man United, halka Joel Matip uu dhameystirayo seddexda daafac ee ugu fiicnaa isbuucaan, iyadoo daafaca Liverpool uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha Reds ay kaga badisay Arsenal.

Afarta xiddig ee khadka dhexe ee ugu fiicnaa isbuucaan waxa ay kala yihiin: Mohamed Salah kaasoo dhaliyay labo ka mid ah seddexdii gool ee ay Liverpool ku garaacday Arsenal, halka David Silva uu si weyn uga qeyb qaatay guushii ay kooxdiisa Man City ka gaartay Bournemouth weliba isagoo u dabaaldegaya kulankiisii 400aad ee City.

Kovacic ayaa caawin sameeyay islamarkaana si weyn uga qeyb qaatay guushii ay kooxdiisa Chelsea ka gaartay Norwich halka xiddiga Southampton Redmond uu shabaqa soo taabtay kulankii ay Saints ka badiyeen Brighton.

Seddexda weerarka ugu fiican isbuucaan waxa ay dhamaantood min labo gool u dhaliyeen kooxahooda, waxaana ay kala yihiin xiddiga Man City Sergio Aguero, xiddiga Chelsea Tammy Abraham iyo xiddiga West Ham Sebastian Haller.

(3-4-3): Dubravka; Matip, Cahill, Dummett; Redmond, Kovacic, David Silva, Redmond; Haller, Aguero, Abraham