Maxaa Ciyaaraha saakay ka cusub

0
79

Arbaco, RBB News – Kooxda Man United ayaa qiimo jaban ugu dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic marka la gaadho suuqa January (Don Balon).

Bayern Munich ayaa ugu cad-cad in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Emre Can iyada oo uu ka caawin doono Imaatinka Philippe Coutinho (Tuttosport).

Barcelona ayaa Neymar ka gudbisay dalab fiican oo lacag badan iyo xiddigo badan ku jiraan si ay u hesho 27 jirka inta lagu jiro xagaagan (Telefoot).

Tababarihii hore ee Man United ayaa isha ku haya shaqada Real Madrid xilli uu Zinedine Zidane cadaadisku ku sii kordhayo (AS).

Kooxda Real Madrid ayaa la filayaa in ay La soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Donny Van De Beek xagaaga dambe (Marca).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab wakhti dambe ah ka gudbinayso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold (Don Balon).

Kooxda Man United ayaa laga yaabaa in ay sugto natiijada baadhitaanka Anthony Martial Ka Hor Inta ayna Alexis Sanchez u ogolaan in uu ku biiro kooxda Inter Milan (Guardian).

Paris St-Germain ayaa kooxda Real Madrid u sheegtay in ay heshiiska Neymar ku darto xiddiga Vinicius Jr si ay ugu ogolaato in ay helaan saxiixa Neymar (AS).

Madaxda kooxda Barcelona ayaa Isniintii kulmay si ay uga wadahadlaan dalabka ugu dambeeya ee ay ka gudbiyeen Neymar (Marca).

Kooxda Inter Milan ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man City haatana u ciyaara Swansea City ee Wilfried Bony hadii ay waydo Alexis Sanchez (Goal.com).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Nemanja Matic ayaa tababare Ole Gunnar Solksjaer ka codsaday in uu wadahadalo la qaato kadib markii uu waayay booskiisa joogtada ah ee kooxda (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga reer Spain ee Nacho Monreal u ogolaatay in uu ku biiro kooxda Real Sociedad todobaadkan (Sun).

Weeraryahanka chelsea ee Tammy Abraham ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub oo wakhti fog ah u saxiixo kooxda chelsea kaas oo loo laba jibaari doono mushaharka uu qaato (Telegraph).

Christian Eriksen ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Tottenham xilli uu wali rajaynayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid (Mirror).

Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa wadahadalo ka furay haeshiska isku badalashada ah ee xiddigah Mauro Icardi & Paulo Dybala (Gazzetta dello Sport).