Muxuu Ole ka jiri bixitaanka Alexis Sanchez

0
55

Sabti RBB News:- Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sharaxay saamayn xun oo uu bixitaankii Alexis Sanchez ku yeeshay Xiddigaha kooxda Man United kadib markii uu xiddigu ka tagay kooxda.

Ole Gunnar Solskjaer ay qirtay in ayna Man United haatan haysan gool dhaliye dheeraad ah kadib bixitaankii Alexis Sanchez ee kooxda.

Solskjaer ayaa ogolaaday in uu Sanchez ku biiro kooxda Inter Milan kaas oo amaah ugu biiray sabab la xidhiidha in uuna ku jirin qorshihiisa.

Hadana tababaraha man United ayaa qirtay in bixitaankii Sanchez oo ka dambeeyay bixitaankii Romelu Lukaaku ay kooxda ka dhigtay bilaa badan weeraryahano ah.

United ayaa ka fiirsanaysay dhawr weeraryahan koo ay ka mid yihiin Paulo Dybala & Mario Mandzukic laakiin Solskjaer ayaa sheegay in uuna helin weeraryahan munaasib ah.

“Sidii aan sheegay bilowgii isku diyaarinta, waxa aan raadinaynay badalka Romelu Lukaku hadii uu boxo”ayuu Soslkjaer yidhi.

“Waxa naga maqan hal weeraryahan hadii aan runta ka hadalo laakiin maanu helin weeraryahanka munaasibka ah, maanu doonayn jawaabtii aan doonaynay laakiin wali waxa aan ku faraxsanahay waxa aan haysano”.