Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo oo ka hadlay xaalada Neymar

0
62

Sabti RBB News:- Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa daboolka ka qaaday xogo cusub oo ku aadan xaaladda Neymar kaasi oo ay si weyn u dooneyso kooxda Barcelona

Leonardo ayaa qiray in Barcelona ay dalab rasmi ah la yimaadeen 27-kii bishaan xagoodana ay diyaar u ahaayeen in la dadajiyo wadahadalada balse ciyaartooyda ay ku soo dareen hishiiska ay ahaayeen kuwo dhankooda aysan dooneyn

” Ilaa haatan ma jirto wax hishiis ah oo la gaaray , wax waliba Barcelona ayay ku xeran yihiin , go`aanka Neymar-na waa cad yahay”.

” Neymar weli hishiis ayuu kula joogaa PSG mana jiraan wax hishiis ah oo la gaaray “ayuu sii raaciyay agaasime Leonardo

“Barcelona xiddigo ayay inoo soo bandhigeen balse dookheena ma aheyn , waa hubaal ma jirto koox bixin karta lacagta Neymar sidaas darteed ayaan u ogalaanay in wadahadalada lagu soo daro ciyaartooy kale”

Ugu dambeyn waxa uu qiray in Barcelona tahay kooxda ugu dhaw in ay la wareegaan Neymar