Miyey markale guuleysan karaan Barcelona kulanka ay wajahayaan Kooxda Osasuna La’aanta Messi

0
130

Sabti RBB News:- Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 3-aad kulan ay isha ku hayaan in ay ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah.

Kooxda Barcelona ayaa wadada guulaha ku soo laabatay kulankii Real Betis iyaga oo 5/2 ku badiyay kadib markii ay guuldaro ku bilowdeen horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Osasuna oo guul iyo bar-baro gaadhay labadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka ayaa isha ku haysa in ay sii wadaan qaab ciyaareedkooda fiican.

Kulanka: Osasuna Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Estadio El Sadar

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Osasuna iyada oo kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood kulmeen ay Barcelona ku badisay 7/1.

3-dii kulan ee ugu dambeeyay ayay Barcelona dhalisay 17 gool Halka ay Osasuna dhalisay kaliya 1 gool.

Osasuna ayaa sidoo kale ku Fashilantay in ay Barcelona gool ka dhaliso labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku marti galisay garoonkeeda.