Liverpool oo dooneysa iney dheereysato Hogaanka Horyaalka oo wajihi doonta Burnley

0
64

Sabti RBB News:- Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier Leageu todobaadkii 4-aad kulan ka dhici doona garoonka Turf Moor.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guushii 4-aad oo xidhiidh ah iyo waliba in ay sii dheeraysato hogaanka horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Burnley ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 2-aad kadib markii ay bar-baro galeen kooxda Wolves kulankii hore ee horyaalka.

Kulanka: Burnley Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: Turf Moor

Wakhtiga: 7:40 Fiidnimo

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guul ay gaadho Liverpool ayaa noqon doonta guushii 13-aad ee horyaalka premier League taas oo ah guul rikoodh ah iyaga oo dhaafi doona rikoodhkii hore ee 12 kulan.

Weerayahanka kooxda Burnley ee Ashley Barnes ayaa dhaliyay 13 gool oo premier League ah sanadka 2019 Kaliya xiddigaha Sergio Aguero & Sadio Mane ayaa kala dhaliyay 15 iyo 16 gool.

Liverpool ayaa guul la,aan ah 20 kulan oo premier League 16 kulan way badiyeen 4 kale bar-baro ayay galeen waxana laga badiyay kaliya hal kulan 42-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League kulankaas oo ahaa guuldaradii 2/1 kaga soo gaadhay Man City.

Burnes ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Burnley  ah ee gool dhaliya 4-ta kulan ee ugu horeeya ee premier League