Maxaa looga baahanyahay in City ay sameyso kulanka Brighton si ay ugu soo laabato Hogaanka

0
100

Sabti RBB News:- Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka prmieer League todobaadkii 4-aad ee horyaalka.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa in si ku meel gaadh ah ula wareegto hogaanka horyaalka premier League kadib guushii ay todobaadkii hore ka gaadhay Bournemouth.

Tababaraha Kooxda Brighton & Hove Albion ee Graham Potter ayaa dhankiisa doonaya in uu Man City ku keeno khatar kadib markii uu 2 gool kaga horeeyay markii uu hogaaminayay kooxda Swansea City xilli ciyaareedkii hore kulan ka tirsnaa tartanka FA Cup-ka.

Kulan: Man City Vs Brighton & Hove Albion

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man City ayaa badisay dhamaan kulamadii 5-ta ahaa ee ay ka hor tagtay kooxda Brighton 4 ka mid ahaa ayaa yimid premier League halka uu kulanka kale ahaa FA Cup-ka.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay dhamaan kulamadii uu ka hor tagay kooxda Brighton isaga oo ka dhaliyay 3-dii laag ee uu ku laagay.

kaliya mid ka mid ah 32-kii kulan ee uu pep Guardiola guuldaro ka timid kulan horyaalka heerka sare ah ayaa timid Tababare England ah.

Brighton ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ay ka gaadhaan Man City iyaga oo marti ah.