Chelsea oo iska fasaxday Tiemoue Bakayoko

0
176

Axad RBB News:- Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko Si Rasmi ah ugu biiray kooxdiisii hore ee Monaco kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.

Tiemoue Bakayoko ayaa Monaco ugu laaban doona heshiis amaah ah oo uu kula joogi doono kooxdiisii hore ilaa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa isaga tagay kooxda chelsea kadib markii uu kaliya u ciyaaray 43 kulan kuna dhibaatooday kooxda Blues.

Tiemoue Bakayoko ayaa heshiis amaah ah ku joogay kooxda Ac Milan xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uuna ku soo laaban kooxda bilowgii xagaagan.

Kooxda Chelsea ayaa haatan xaqiijisay in uu Tiemoue Bakayoko heshiis amaah ah ugu biiri doono kooxdiisii Hore ee Monaco.

Tiemoue Bakayoko ayaa Monaco kula midoobi doona xiddigii hore ee ay chelsea iska garab ciyaareen ee Cesc Fabregas kaas oo Suuqii January ee 2019 ku biiray Monaco.