Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dacwadda uga furneyd Soomaaliya iyo Kenya

0
263

Khamiis, September, 05, 2019 (Banadir broadcasting Center)- Dacwada badda ee ICJ uga furneyd Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib loo dhigay muddo 2 bil ah, sida uu sheegay Amb. Cali Saciid Fiqi oo ah safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah .

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada oo loo ballansanaa 9-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota. Waxaa kalo go’aanka ku cad in Kenya la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo qareenno ku qabsan karaan.
Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaala la xiriira in kiiska dacwadda Badda dib loogu dhigo, inta ay Qarreeno cusub ka soo magacaabaneyso, kaddib markii ay kala dirtay kuwii hore.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, wuxuu  sheegay in sida Kenya ay dalbatay oo ahaa in Dacwada dib loo dhigo 12 bilood aysan Makamaddu ku raacin, dhageysiga dacwada dib loo dhigay 2 bilood oo kaliya.
Dhageysiga Kiiska Badda ayaa la qorsheeyay inay dhacdo horraanta bisha November ee sanadkan 2019.
Dhinaca kale, caawa golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.