Real Madrid oo akhbaar wanaagsan helaysa ka hor kulanka habeen dambe ee Bayern Munich

0
101

Kooxda tababare Zidane ayaa helaysa akhbaar wanaagsan ka hor kulanka ay marti qaadi doonto habeen dambe kooxda Bayern Munich.

Isco oo laga baqayay inuu seego kulanka habeen dambe ee Bayern Munich ayaa saaka ka qayb qaatay tababarkii kooxdu ay ugu diyaar garoobaysay kulanka talaadada.

Laacibka ayaa si lama filaan ah tababarka uga qayb qaatay shalay, laakiin saaka ayuu si buuxda uga qayb qaatay tababarka kooxda oo dhamaystiran.

Sidoo kale, Nacho Fernandez ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarkii saaka, labada laacib ayaana haatan diyaar u ah kulanka Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here