Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo awaamiir cusub dul dhigay Saraakiisha Ciidamada Xogga Dalka

0
54

Arbaco RBB News:- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xarunta Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar.

Ujeedka kulankaan oo ahaa isla-xisaabtan iyo la-dagaalanka musuq maasuqa oo qeyb ka ah siyaasadda duqa magaaladda Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha Dowlada hoose ayaa uga warbixiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish qaabka ay u socdaan howlaha daqli ururinta gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee Xamar, isagoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq-maasuq iyo ku-takrifal awoodeed.