Maxaa ka cusub saakay Balanballe

0
44

Arbaco RBB News:- Wararka naga soo gaarayo degmada Balanballe ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta halkaasi lagu dilay laba Ruux oo la sheegay inay ahaayeen Xoolo Dhaqato.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka Degmada Balanbale waxa ay ku dileen laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka,waxaana la sheegay in dilka kadib maleeshiyaadka ay goobta isaga baxsadeen,sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Balanballe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilkaan uu la xiriiro aanooyin qabiil sidoo kalena uu dabo socdo dil shalay ka dhacay degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Dilkii shalay Guriceel ka dhacay ayaa la sheegay in aan weli la soo qaban dadkii ka dambeeyay.

Xiisada colaadeed ayaa ka taagan duleedka degmada Balanbale, islamarkaana haatan meydka labada qof ee la dilay.

Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe marka lag reebo in dilkii shalay ka dhacay Guriceel ay ciidamada xoogga dalka sheegeen inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay.