Waa sidee xaalada Magaalada Jigjiga

0
46

Khamiis RBB News:- Magaalada Jigjiga waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay roobab xoog leh, roobkan ayaa watay dabaylo waawayn iyo dhagaxaan baraf ah oo dhulka ka dhigay wada baraf.

Dadka ree Jigjiga ayaa halmar cabsi gashay, iyagoo dadkuna ay ashahaad isku dareen, wali lama soo sheegin khasaare nafeed oo roobkani uu gaystay.
Magaalada waxaa dhex mara tog aad u wayn, waxaana laga cabsi qabaa in toggaasi uu dhibaato gaysto maadaama togga dhinacyadiisa ay deggan yihiin dad danyar ah.