Maxaa ka jira in Dowladda Federaalka ay hubeysay Beelaha ku dagaalamay Balanbale

0
53

Khamiis RBB News:- warar dheerad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal beeledyo markale dib kaga bilowday deegaanka balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Ribadle oo ah goobta lagu dagaalamay ayaa lasoo sheegaya in sameeyn xoogan uu ku yeeshay dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeled ee walaalaha ah.

Dagaalkan ayaa waxaa uu daba socday dagaalo u dhaxeeyay beelaha wada daga Balanbale oo horey dhowr jeer ugu wada dagaalamay deeganka iyo dilal qorsheysan oo maalmihii lasoo dhafay ka soconayay Deegaano hoostaga Degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deeganka lagu dagaalamay ku sugan oo aan xiriiro la sameynay ayaa ino xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu dilay hal ruux iyadoo sido kale ay ku dhaawacmeen laba kale.

Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid dagan iyadoo weli ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadkii wada dagaalamay waxaana hakad mudo galay ganacsigii deeganka.

sikastaba ha ahaate waxaa laga baqdin qabaan in markale ay is food saaran beelaha walaalaha ah ee kuwada dagaalamay Deeganka Ribadle ee hoostaga Degmada Balanbale iyadoo aysan jirin Maamulka Galmudug ama dowladda oo ka hadashay dagaalkasi.