Imisa Askari Ayaa Laga Dilay Ciidamada AMISOM tan iyo Markii Ay Yimaadeen Somaliya.

0
73

Khamiis RBB News:- Tirada guud ee laga dilay ciidanka Nabad Ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa la shaaciyay tan iyo markii ay soo gaareen Dalka.

Qabiir u dhashay dalka Mareykanka oo falanqeeya la dagaalanka ururka Al-Shabaab, ayaa sheegay in 1,800 askari laga dilay ciidanka Amisom.

Mr Paul Williams, ayaa sheegay in baaritaanka la xiriira xogtaan uu ka helay ilo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ururka AU-da iyo ehelada askarta la Laayay.

Warbixinta Prof Williams oo talaadadii lagu shaaciyay machadka caaliga ah ee nabada oo ku yaal magaalada New-York ayaa dhanka kale lagu sheegay in ay kor u kacday weerarada ay la kulmayaan ciidanka Amisom.

Macluumaadka ayaa intaa ku daraya in kaliya sanadkii 2007-dii ilaa 2018-kii ay tahay askarta laga dilay Amisom 1,483 ilaa 1,884 oo Askari.

Baaritaanka qabiirkan Mareykanka ee taxliiliya la dagaalanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale uu sheegay in laga yaabo in tirada ay ka badnaan karto ama ka yaraan karto inta uu Shaaciyay.

Prof Williams ayaa sidoo kale shaacin wadamada ay ka soo kala jeedaan askarta Amisom looga dilay gudaha dalka intii u dhaxeysay 2007-dii ilaa sanadkii hore ee 2018-ka.

Warbixinta lagu qabiirka Mareykanka aruuriya kuma xusna askarta Amisom sanadkan looga dilay weerarada Al-Shabaab.