Madaxweynaha Keenya Ayaa Baarlamaanka Dalkiisa Ka Hor Istaagay In Lasiiyo Lacago Dheeri Ah.

0
119

Khamiis RBB News:- Baarlamaanka Kenya ayaa ka fiirsanaya talaabada labaad oo ay qaadi doonaan kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu daaqada ka tuuray sharci ay meel mariyeen gudiga adeega Baarlamaanka.

Arintaan ayaa la xiriirta lacagaha gunnada safarada dibada oo baarlamaanka isku raaceen in lagu daro qoondada Miizaaniyada.

Isfaham-ka heshiiska ay meel mariyeen 16-kii bishii August, oo shalay isoo gaaray waa mid ku xadgudbaya sharciga Kenya iyo hanaanka gudiga mushaaraadka ee (SRC), ayuu yiri Mr Kenyatta.

Hogaamiyaha Kenya ayaa intaa raaciyay in gudoomiyaha mushaaraadka Ms Lyn Mengich ay tahay shaqsiga kaliya ee sharciyan dib u eegis ku sameyn kara mushaarka shaqaalaha dowlada Kenya.

Waxaan tirtirayaa gabi ahaanba heshiiska, waxaana cadeynayaa in gudiga adeega baarlamaanka la tashi uun la sameyn karaan gudiga mushaaraadka ayuu hadalkiisa ku soo koobay Kenyatta.

Lacagta gunada ee safarada dibada ayaa waxaa isku raacay 233 mudane oo ah laba meel marka loo qeybiyo tirada guud ee baarlamaanka oo Kenya oo ah 349 Xildhibaan.