Labaatan Kun Oo Caruur Ah Oo Lagu Layahay Dalka Nigeria.

0
176

Sabti RBB News:- Hey,ada caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo loo yaqaan
(ICRC) ayaa sheegtay inkabadan 20,000 oo ruux oo u badan caruur lagu layahay tobanaan sano dalka Nigeria.

Dadkaan ayaa la waayay tan iyo intii kooxda Boko Xaraam ka soo shaacbaxday gobolka waqooyi bari ee Nigeria mudo hada laga joogo 10, sano ka Hor.

War saxaafadeed ka soo baxay Khamiistan madaxa ICRC, mr Peter Maurer ayaa lagu sheegay in dadka maqan boqolkiiba 60 ay caruur Yihiin.

Mr Maurer ayaa intaa raaciyay in waalid waliba uu isweydiinayo sababta iyo halka uu ku maqan yahay Ubadkiisa.

Kooxda Boko ayaa lagu eedeeyaa askareynta caruurta yar yar oo ay Afduubato.