Musharax Rabo In Uu Madaxweyne Noqdo Oo Cuntadii Kasoomay.

0
183

Nabiil Karooy oo ka mid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Tunisia ayaa bilaabay in uu cuntada ka Soomo.

Siyaasigaan ayaa dalbanaya in xabsiga laga sii daayo, si uu u codeeyo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 15-ka bishan September.

Ciidanka amniga Tunisia ayaa sadex todobaad ka hor xabsiga dhigay milkiilaha Tv-ga Nissma, waxaana loo heesta lunsiga canshuurta iyo adeegsiga lacagta Madow.

Rida Bilhaaji oo ah qareenka Nabiil ayaa tilmaamay in uu bilaabay in cuntada uu ka soomo maalintii Arbacada.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa waxaa ka hadlin ciidanka amniga magaalada Tuunis, iyadoo maalinta axada ah dalkaasi ay ka dhici doonto doorashada Madaxtinimo.