Madaxweyne Danni Oo Markii Ugu Horeysay Daah Furayo Shirka Maalgashiga Puntland.

0
75

Jimco RBB News:-Waxaa lagu wadaa in magaalada Garowe Ee Xarunta Maamulka Puntland uu kafurmo Shirweynaha Maalgashiga Maamulkasi oo marki ugu horeysay daah furay Madaxweyne Saciid C.llahi Danni.

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa Furmi doona 15 Bishan September oo Axada soo socoto ku beegan wuxuuna ka furmayaa Magaalada Garowe.

Ganacsato, Shirkada waaweyn iyo kuwa yaryar, Wafuud ka socda Wadamada aan Saaxiibka nahay ayaa kasoo qayb galaya, kuwasoo danaynaya iney maalgalin ku samaystaan Puntland.

Kulanka waxaa lagusoo bandhigayaa kaalinta Dowlada Puntland ay ka qaadanayso ilaalinta hantida Gaarka loo leeyahay iyo sidii Puntland u xaqiijin karto in Maalgaliyaashu uu maalgashigooda loo ilaalin karo.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya Dalka oo dhan ayaa iyana lagu casumay Shirkaas